aqoontaad kororso
Jirka bini"aadamka waxa kujira 5 litir oo dhiiga 1/12 kamid ah dhiigaas waxa ku shaqeeya jirka
3/12 ka kalen awaxa kaydiya beerka shaqeeya halkasoo lag asoo qaado markii loo baahdo, Borotiinka lagahelo qurbaha cas
cas ee dhiiga loona yaqaano HBga in ragu uu yahay 12-18 halk au dumarka ka yahay 11-16 qofkii HBgiisu hoos oga dhaco xadiga
ugu hooseeya waxa uu qabaa dhiig yari, Ma ogatahay in daawada ASPRIN loo soo saarey sanadku markuu ahaa 1897, mise ogatahay
in loo soo saarey si sanaaci ah - Ma ogatahay in bini"aadamku leeyahay 5 dareeme oo waaweyn oo kala ah kan maqalka. kan
araga. kan dhadhanka. kan urinta iyo kan taabashada,mise ogtahay in afar kamid ah ay ku yaalan madaxa -Ma ogtahay in bini'aadamku
leeyahay 360 xubnood. mise ogatahy in lafuhun ay yihiin 206 lafood, -Ma ogtahay in cayilka faraha badan uu keeno cufuro
fara badan oo aan daawo lahayn mise ogatahay in cunitaanka badan ee waxyaabaha dufanka leh ay ladagaalamaan dheefshiidka sida
cunida xalwada baruurta xad dhaafka ah mise ogtahay in intoontu daawo utahay cudurada ay kamidka yihiin wadno xanuunka iyo
gooryaanda sida amebaha,
Qaababkaan haweeneyda iyo ninkeedu waxay iskaga hor yimaadaan si fool-ka-fool ah, waxaana
ay kala yihiin: 1- Kolkay haweeneydu dhabarka u seexato, soona laabto labadeeda lugood, uu dabeeto ninkeedu daba fariisto:
1-1 Intay labadeeda cajar kala furto, uu ninku labadeeda lugood dhex galo, isaga oo isku xajjinaya jilbihiisa iyo xusulladiisa
ama calaaculladiisa, dabeetana intay labadeeda lugood yare sare u qaaddo, cirbaheeda ku tiiriso labadiisa xagal-lugeed oo
godan. 1-2 Intay labadeeda lugood sare u qaaddo, garbihiisa dul saarato. 1-3 Intay labadeeda lugood sare u qaaddo ilaa ay
taabtaan shafka ninkeeda uu labadeeda bawdo dhex fariisto. 1-4 Ninku intuu xaaskiisa labadeeda lugood dhex galo, oo labadiisa
gacmood dhinacyada ka kala mariyo, uu dabeeto ku dul dhabbacdo. 1-5 Intay labadeeda gacmood ku soo qabato labadeeda cajar,
oo jilbaheeda gaarsiiso madaxeeda, ninkuna uu gadaal ka soo fariisto. 1-6 Ninka oo labadiisa gacmood labada cajar ee xaaskiisa
kasoo gelsha dhanka hoose dabeetana sare ugu soo qaada oo isku soo nabo, iyaduna intay xoogaa isa soo qaaddo qoortiisa hab-siiso.
Qaabkaani waa mid wanaagsan marka laga eego xag nafsiyeed. Waxa uu ninka oggolaanayaa in uu siduu doono uga bogto dareenkiisa
rabitaan. Waxa kale oo uu ninku dareemayaa inu gacaladiisa dhabta ku qabanayo, iyada oo idilna uu hananayo. Haweeneyda lafteeda
waxa ku dhalanaya dareenkaasi mid la mid ah, iyada oo dareemaysa inay meel aamin ah ku jirto. Qaabkaani waxa kale oo uu ku
wanaagsan yahay, isagoo labada qof awood u siinaya inay siday doonaan isu istiimiyaan. Waxa laga yaabaa qaabkani inuu khatar
geliyo ilma-galeenka buuxa xilliga ay haweeneydu uurka leedahay, khatartaasi oo uga imaanaysa culayska ninka dul saaran, iyo
weliba awoodda garaacis ee ka dhalata dhaqdhaqaaqiisa. Sidaa daraadeed, waxa habboon in aan la isticmaalin xilliga uurka.
2- Kolka intay haweeneydu dhabarka u seexato, oo kadib kolka la isgeliyo labada xubno-taran, ay fidsato labadeeda lugood,
oo sidaasi labadeeda cajar dusha uga qabtaan labada cajar ee ninkeeda. 3- Kolka intay haweeneydu dhabarka u seexato, ay labadeeda
lugood mid sariirta ku dul dherersato, tan kalena ninkeeda dhabarka kaga soo qoolaashto, amaba ay garabkiisa dul saarato.
Labadaan qaab (2,3) waxay aad ugu habboon yihiin kolka geedka ninku jilicsan yahay oo aanu si toos ah isu taagi karin. Qaabka
2aad waxa uu si gaar ah u kordhiyaa raaxada ninka, mana oggolaanayo geedku inuu cambarka dibaddda uga soo baxo, waxana ku
taliya dhakhaatiirta. 4- Kolka labada isqabaa ay dhinaca u seexdaan: 4-1 Ninku intuu dhinaciisa bidix u seexdo, isaga oo isla
dhererinaya xaaskiisa oo iyadu ka soo hor jeedda una jiifta dhinaceeda midig, uu dabeeto labadeeda lugood mid ku dhaafo sariirta,
midda kalena cajarkiisa midig kudul rido. Qaabkani waxa uu ku habboon yahay kolka labada xubno taran ay kala weyn yihiin.
Haweeneydu qaabkan iyada ayaa goobta maamusha, waxayna awood u leedahay inay ninkeeda hab u siiso siday doonto, sababta oo
ah labadeeda warqood ayay u dhaqdhaqaajin kartaa sidii iyadu ay jeclaato. Ninku kolka uu dareemo in xaaskiisu aanay weli gaarin
heer biyabbax isna biyuhu ka soo dhowyihiin, waa uu joojin karaa dhaqdhaqaaqa si uu biyaha isugu celiyo, isagoo markaasi fursad
siinaya xaaskiisa, si ay labadoodu isku mar u biyabbaxaan.
CALAAMADAHA QOFKA MACQUULKA AH????
Adduunka markii Eebbe taagay, kaddibna uu kubeeray addoomihiisa dadka ah, waxaa la arkay in qof walba uu
leeyahay dabeecad isaga ugaar ah oo si dhab ah loogaga sooci karo dadyoowga kale ee ay af & diinba isla sheegtaan. Haddaba
annagoo taas kaduulayna waxaan jecelnahay inaan faaqidno calaamadahaas iyaga ah ee qofka MACQUULKA ahi leeyahay, taasoo ah
dabeecad aan dadku diidi karin, xayawaankuna aysan ka didi karin waxaana kamid ah dabeecadahaas:
~ SAMIR & CAFIS: Waxaa
lagu yaqaan qofkaasi inuu leeyahay dadnimo u jeedinaysa inuu cafiyo axadka walaakiis ah ee u gefay ama ku gardarrooday, isagoo
indhaha kalaabanaya samirna qaadanaya, isla markaasna aan tuurayn qadarinayana wixii wanaag ahaa ee dhexmaray ee hore isaga
iyo walaliihiis.
~ KIBIR & QABWEEYNI LA'AAN: Waxaa lagu yaqaan qofkaan isaga ah in uuyahay mid had iyo jeer
garawsada gefkiisa iyo dhac-dhaciisa, isla markaasna soo laabta, isagoo dambi dhaaf weeydiisanaya qofkii uu dulmiyey, bixinayana
wixii xaal ah ee uu raalli kunoqdo dulmanuhu, isla markaasna ballan qaadaya in aan gefkaasoo kale dib udhici doonin.
~
OGAANSHO WAXA UU YAHAY: Wuxuu dhab u ogyahay qofka macquulka ahi, inuu bin'aadam yahay, isla markaasna laga abuuray xab
iyo dhiig, taasoo kubixinaysa inuusan is cajabin ama isla weeynaan, isagoo mar walba naftiisa xuntaa usheegaya inuusan kaweeynayn
addoomaha Ilaahay ama uusan kafiicnayn ee uu yeelan karo dabeecado laga fiican yahay, had iyo jeerna wuxuu usheegaa naftiisa
inay toosnaato oo xaqa raacdo.
~ TURID & NAXARIIS BADNAAN: Had iyo jeer wuxuu ka murgaa(ka naxaa) dhibaatada
haysa walaalihiis ama saaxiibadiis, isagoo hayd iyo jeer waaninaya una dooraya talada teeda fiican, isla markaasna usheegaya
inuu diyaar uyahay inuu laqaybsado wixii tabar ah ee uu iyaga dheer yahay.
~ QARIN & ASTURID: Waxaa lagu yaqaan
inuu yahay mid daboola ama qariya ceebta walaalihiisa Muslimka ah iyo dariskiisaba, wuxuuna ku wataa qof walba waxa uu kufiican
yahay, isagoo indhaha kalaabanaya wixii khalad ah, wuxuuna aad ugu dhaqmaa Maahmaahda caanka ah ee oranayasa: "Haddii aad
qof walba uga tagtid cilladda uu leeyahay waxaa kugu dhacaysa dad la'aan".
~ AABBE BAARRI AH: Waxaa astaantiisu
tahay in haddii uu reer leeyahay uu daryeelo diintooda, aqoontooda & caafimaadkooda. Wuxuu ula dhaqmaa xaaskiisu inay
tahay Boqoraddii guriga, ee ulama dhaqmo inay tahay addoon lasoo qafaashay oo cadow soo helay, wuu latashadaa xaaskiisa had
iyo jeer isagoo weeydiinaya waxa reerkoodu ku barwaaqoobi karo, isagoo had iyo jeer usheegaya in gurigiisu uusan hagaagi karin
iyada la'aanteed, mar walbana uusan kamaarmi karin iyada waanadeeda iyo sixitaankeeda. Hooyada reerkuna waa tan si buuxda
usiisa ninkeeda furaha reerka laga wado, u qarisa sirtiisa, isla markaasna udaryeesha gurigiisa iyo carruurtiisa, siisana
kalsooni buuxda ninkeeda. Qofka macquulka ahi wuxuu tabantaabiyaa carruurtiisa, baraa anshaxa wanaagsan una noqdaa tusaale
fiican oo ay ku daydaan. ~ XISHOOD & ASTURNAAN: Waxaa had iyo jeer lagu gartaa inuu yahay qof ka fogaada meelaha
iyo mawaaqifta lagu yaqaan inay xun yihiin, wuxuu markuu hadlayo doortaa kalmadaha wanaagsan, dadka macaayo mana ceebeeyo,
maxanto mana aha qof diro diro badan, sidoo kale ma xirto dharka xun, mana cuno cuntooyinka aan wanaagsanayn.
~ SAFIIRKA
KHAYRKA: Dabeecadihiisa waxaa kamid ah inuu yahay qof aan XAASID ahayn oo lajecel khayr iyo barwaaqo walaalihiisa kale,
isagoo og in Ilaahay haddii uu khayr siiyo muslimiinta kale in uusan isagana kadhigayn faqri, wuxuu lajeclaadaa walaalihiis
inay helaan waxa khayr ah ee Alle siiyey isaga ama wax kabadan oo ay kamid yihiin: caafimaadka, cimriga, carruurta, cilmiga
iyo cibaadadaba. Qofkaan waxaa lagu magacaabaa SAFIIRKA KHAYRKA.
|